Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada dadka laga xado macluumaadkooda aqoonsiga oo kor kacday

La daabacay måndag 29 juli 2013 kl 11.24

Waxaa aad u soo batay dadka laga xado macluumaadka aqoonsiga. Sannadkii hore waxaa macluumaadka ama warbixinaha aqoonsogooda laga xaday dad iswiidhish ah oo tiradoodu dhan tahay 65 000 oo qof. Sidaas awgeed ayuu ururka ka hortagga xatooyadu hadda doonayaa in dhammaan dadka xaq loo siiyo in ay lambaradooda aqoonsiga qarsoodi ka dhigan karaan si ay isaga difaacaan in laga xado.

In lambarada aqoonsiga qarsoodi laga dhigo micneheedu ma ahan in aan warbixinahooda la heli karin dadka amaahda codsanaya. Waxaase looga gol leeyahay in lagu adkeeyo dadka khaa’imiinta ah in ay amaah ku qaataan aqoonsi ay qof kale ka soo xadeen.

Waqtigaan xaadirka ah waxaa qofka laga xado aqoonsigiisa u bannaan in uu lambarkiisa aqoonsiga ka dhigo mid qarsoodi ah, laakiin suurtagal ma aha in si ka hortagga ah qarsoodi looga sii dhigo.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".