Sawirle: Sören Andersson/Scanpix

Cayaarihii kubbadda cagta gabdhaha ee Yurub oo la soo gebagebeeyey

Cayaarihii kubbadda cagta gabdhaha ee horyaalka Yurub oo shalay oo axad ah lagu gebagebeeyey cayaar fiinaal ah oo dhexmartay kooxaha Jarmalka iyo Noorwey. Cayaarta oo ka dhacday garoonka cusub ee Friends Arena ee degmada Solna, waxaa hal gool ku badiyey kooxdii gabdhaha Jarmalka, halka ay kooxda Noorwey gool la’aan ku dareereen..

Dhawr maalmood ka hor ayey ahayd markii ay kooxda Jarmalku seemifiinaalkii kaga adkaatay kooxda Iswiidhen. Balse intii lagu jirey nasashadii cayaarta ayey kooxda gabdhaha Iswiidhen soo dhex istaageen garoonka, halkaas oo ay ku qaabbileen taageeradii iyo hambalyeyntii dadkii garoonka u yimid in ay daawadaan. Waxaa hal mar istaagey dad gaaraaya 41 301 oo qof oo isku daray sawaxan iyo sacab.

Kooxdii iswiidhishkuna iyagoo gacmaha ishaysta ayey taageerayaashooda ku muujiyeen sida ugu faraxsan yihiin oo ugu mahadinayaan taageerayaashooda.

Isha: Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".