Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Arday cabsi looga qabo in ay dib ugu noqdaan fasalkii ay soo dhigteen

Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix.

 

Dhammaan ardaydii dhiganeysey fasalka shanaad ee dugsi ku yaal degmada Mariefred ayaaa looga cabsi qabaa in ay dib ugu noqdaan fasalkii ay soo dhigteen. Waxaana sabab u ah iyadoo ruqsadda dugsigu ku bilaabi lahaa fasalada lixaad ay ka bilaabaneyso gu’ga 2014.

Waalidkuna ma doonayaan in carruurtooda loo wareejiyo dugsiyada dowladda degmada Mariefred. Waxayna hadda soo jeediyeen in carruurta dib loogu celiyo fasalka shanaad oo ay soo dhigteen. Jesper Waldersten oo aabbe u ah mid ka mid ah ardaydaas ayaa wax ka yiri arrintaan:

- Waxaa jira qodob xagga sharciga oo dhigaya in ay carruurta dib loogu celin karo fasal ay soo dhigteen haddii loo arko wax u wanaagsan carruurta. Waana wax wanaagsan in uu jiro sharci carruurta u daneynaya. Sidaas awgeed ayey carruurtu hadda dib ugu noqonayaan fasalkii shanaad.

Waxaa afar sano la asaasay dugsiga lagu magacaabo Gripsholmsskolan oo la isku dhexwado waxbarashada dugsiyada hoose ee iswiidhishka iyo tan fiinishka. Maamulaha dugsiga ayaa horay u soo gudbiyey arji uu ku codsanayo in dugsigiisa ruqsad loo siiyo in laga bilaabo waxbarashada fasalka lixaad, laakiin arjigiisa ayaa waqtigii loogu talagalay ka soo daahay. Sidaas awgeedna weli ruqsad looma siin bilaabidda waxbarashadaas.

Maamulaha dugsiga wuxuu hadda warqado oggolaansho ka soo ururinayaa waalidka carruurta dhigata fasalka shanaad si ay sannad kale dib ugu noqdaan fasalka. Kadib marka ay go’aan ka gaarto arrinta ayuu maamulka degmadu ka qaadan doonaa mawqif oggolaansho ama diidmo ah.

Isha: P4 Sörmland

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".