Sawirle: Scanpix

Tirada qaxootiga Iswiidhen yimaada oo hoos u dhacday

Hay’adda Socdaalku waxay hoos u dhigeysaa saadaasheeda ku aaddan tirada dadka magangela-doonka ah oo Iswiidhen iman doona. Waxaana sabab looga dhigayaa iyadoo ku adkaatay qaxootigii ka imanaayey Afqaanistaan iyo Suuriya in ay ka soo gudbaan xuduudaha dalalka Midowga Yurub oo aad loo adkeeyey.

Sannadkaan waxaa la filayaa in ay Iswiidhen magangelyo ka codsadaan dad qaxooti ah oo tiradoodu gaareyso 45 000 oo qof. Tiradaasina waxay 9 000 oo qof ka yar tahay tiradii hay’addu horey u fileysey.

Sidaas oo ay tahay ayey haddana arjiyada magangelyada lagu codsanayaa ku soo kordheen Hay’adda Socdaalka marka la barbardhigo sannadkii hore.

Waxay hadda Hay’adda Socdaalku qiimeyn ku sameyneysaa xaaladda ka taagan dalka Suuriya. Waxaana lagu wadaa in natiijada ka soo baxdaa noqon doonto in qaxootiga ka yimaada Suuriya horay laga siiyo degganaanshaha joogtada ah oo lagu beddelo kan maanta la siiyo oo ah mid waqtigiisu xaddadan yahay.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista