Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxamuud Dayib oo Iswiidhen ku soo wajahan

La daabacay måndag 29 juli 2013 kl 16.34
Maxamuud Dayib. Sawirle: Goteborg.se

Siyaasigii xisbiga Doogga qaybtiisa Göteborg Mohamud Dayib oo bilowgii bishaan lagu qabtay Itoobiya ayaa hadda saaran diyaarad ku soo wajahan Iswiidhen, sida laga soo xigtay ilo u warramay idaacadda P4 Göteborg.

Waxay ahayd bishaan horranteedii markii isagoo ku sugan gobolka Ogaadeenya ee Itoobiya ka tirsan ay ciidamada dowladdu qabteen oo jirdil u geysteen.

Guddomiyaha qaybta xisbiga Doogga ee Göteborg Åse-Lill Thörnqvist waxay sheegtay in Maxamuud Dayib iyo qoyskiisu ay fasax ku tageen Itoobiya. Ilaa hadda lama oga sababta loo qabtay.

Isha: P4 Göteborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".