Sawirle: Petra Quiding/Sveriges Radio.

Yuhuud-nacaybka oo Malmö aad ugu soo batay

Waxaa aad u soo kordhay dacwooyinka lagaga soo ashtakoonayo falal nacayb ah loo geysto dadka Yuhuudda ah oo ku nool magaalada Malmö. Sannadkii waxaa la soo gudbiyey dacwooyinka 242 falal dembi oo nacayb ah oo ka dhacay Malmö, kuwaas oo 60 ka mid ahi ay ahaayeen jinsi yuhuud nacayb ku salaysan siyaasad. Waana saddex jibbaar marka la barbardhigo dhacdooyinkii sannadkii 2011, sida uu qoray wargeyska Sydsvenskan. Waxaa iyaguna Malmö ku soo kordhay dacwooyinka laga soo gudbiyey falal nacayb oo lagu la dhaqmay dadka HBTQ ah.

Balse ilaa hadda ma jirto dacwad yuhuud-nacayb ah oo lagu ridey xukun ciqaab ah. Boliisku wuxuu culeyska saarayaa in sidii ay u samayn lahaayeen baaritaano tayo leh oo wax ku ool ah. Waayadii hore dhaqso ayaa hoso loogu dhigi jirey dacwooyinkaas badankood, laakiin hadda waxaa la siiyaa ahmiyadda koowaad. Dhowaan waxaa xeerilaaliyaha loo gudbin doonaa shan dacwo oo baaritaankoodii la soo afjaray.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".