Sawirle: Claus Gertsen/Scanpix och Jonas Partheen/P4 Väst Sveriges Radio

Nin dembi lagu tuhunsanaa oo isdhiibey

Nin 36 sano jir ah oo lagu tuhunsanaa in uu qof dumar ah qudha uga jaray magaalada Trollhättan, ayaa shalay iska xaadiriyey safaaradda Iswiidhen ku leedahay magaala-madaxda dalka Boolan ee Waarsow. Kadibna waxaa gacanta ku dhigay boliiska boolishka. Boliiska iswiidhishkuna waxay hadda guda galeen qorshihii ninkaan loogu soo wareejin lahaa Iswiidhen.

Ninkaan waxay macruufo ka dhexeysey qofkii dumarka ahaa oo hooyo u ahayd carruur yaryar, lana weysanaa ilaa 30kii bishii Juun. Horay ayaa loogu xukumay in la soo qabto maadaama lagu tuhunsanaa in uu geystey fal dil ah. Soo qabashadiisana waxaa laga baafiyey caalamka oo dhan.

Dhanka kale ninkaani mar walba wuxuu ku doodaayey in uusan wax dembi gelin.

Sidii ay wax u dhaceen

Waxay ahayd axaddii 30ka bishii Juun kolkii boliiska loogu yeerey guriga haweeyneydaan 23 sano jir oo ku yaal magaalada Trollhättan kadib markii qof rayid ahi dhiig ka helay jaranjarada guriga hor marta. Guriga dhexdiisana waxaa laga helay dhiig farabadan iyo mid ka mid ah haweeneydaan labadeedii ilmood.

Boliisku waxay durbadiiba bilaabeen baadigoob ballaaran iyagoo kaashanaya ururka Missing People, laakiin lama helin haweeneydaan la la’ yahay.

Laba nin kale oo da’ahoodu kala tahay 31 iyo 35 ayaa loo xiray tuhun in ay qariyeen dembiile.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".