Sawirle: Alexandra Svedberg/Anders Wiklund/Scanpix. Qaabeyn sawir: Sveriges Radio.

Waxaa la la’ yahay guryo qaxootiga sharciga la siiyey la dejiyo

Degmooyinku kama soo bixi karaan in ay guryo u diyaariyaan dhamman dadka magangelyada laga siiyey dalka, in kastoo la filayo in tiro intii hore ka yar la siin doono magangelyo, sida lagu muujiyey qoraal saadaal ah oo ay soo saartay Hay’adda Socdaalku.

Waxaa hay’adda socdaalka qorshaha ugu in ay sannadkaan gudihiisa ku guuleysato in degmooyinka guryo laga siiyo dad qaxooti ah oo tiradoodu gaareyso 8 200 oo qof. Tiradaasina waxay 2 200 ka yar tahay boosaska baahida loo qabo.

Dadka qaxootiga ah oo aysan u suurtagelin in ay guryo ka helaan degmooyinka waxay sii joogi doonaan xeryaha qaxootiga oo ay Hay’adda Socdaalku maamusho.

Waqtigaan xaadirka ahna waxay dadka laga hadlaayo tiradoodu gaareysaa 6 000 oo qof.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista