Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix

Carruur iswiidhish ah oo ku xanuunsatay hoteel ku yaal Turkiga

19 carruur ah oo ka socday Iswiidhen ayaa shalay galabtii ku xanuunsaday hoteelka Pascha Bay oo ku yaal magaalada Alanya oo ay leedahay shirkadda dalxiiska ee Fritidsresor. Carruurtas waxaa maqribnimadii asiibay shuban iyo matag.

Guud ahaan carruurta ilaa hadda xanuunsatay waxay tiradoodu dhan tahay 34 ilmood. 21 ka mid ah carruurtaasna waxaa weli lagu daaweeyaa isbitaalka. Badankoodna waxaa la siiyey goojooyin iyo daawada antibiyootikada.

Mathias Bergendahl oo shirkadda Fritidsresor u qaabilsan saxaafadda ayaa TT u sheegay in carruurtaas laga qaaday dhacaano la baaro. Baaritaanadaasna laga waayey wax bakteeriyada nooca salmonella ah. Hase yeeshee ilaa hadda lama oga sababta ay carruurtaasi u xanuunsadeen.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista