Sawirle: Johanna Storm/Sveriges Radio

Degmooyin badan oo jebiya xeerka warbixinaha xasaasiga ah ee qofka

Waxaa la soo weriyey in degmooyin badan oo dalka ku yaal ay weli diiwaangeliyaan warbixino xasaasi ah oo ay ka soo ururiyaan dadka guryaha ka kireysta in kastoo ay taasi jebineyso sharciga u degsan.

Waxaana badanaaba ka mid ah warbixinaha laga ururiyo kireystayaasha caafimaadkooda, balse mararka qaaorkood waxaa dhacda in qiimeyn shakhsi lagu sameeyo. Sidaasna waxaa telefishanka SVT qaybta Västnytt.

Waxay ahayd sannadkaan bilowgiisii kolkii ay idaacadda telefishanka ee Västnytt kashiftay in shirkado badan oo kireeya guryaha Göteborg ay warbixino xasaasi ah ka ururiyeen dadka guryaha uga jira. Watrbixinahaasna qaarkood waxay keydinayeen ilaa toban. Kashifiddaas kadib waxaa shirkadahaas lagu dacweeyey boliiska iyo hay’adda qaranka u qaabbilsan ilaalinta warbixinaha shakhsiyadeed ee bulshada oo lagu magacaabo Datainspektionen. Isla markiiba waxaa la bilaabay baaritaano ay ka soo ifbaxday in ay shirkadahaasi jebiyeen sharciga.

Sidoo kale ayuu ururka kireystayaashu hadda u doonayaa in baaritaan lagu sameeyo shirkadaha ay idaacadda Västnytt daraasadda ku samaysay.

Sannadkii 2006 ayey shirkadaha guryaha ee degmooyinku iska leeyihiin hoosta ka xariiqeen heshiis ku saabsan waxyaalaha ay shirkaduhu ka diiwaangelin karaan kireystayaasha si xadgudub looga dhawro nolosha shakhsiga.

Isha: SVT Västnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".