Sawirle: Fredrik Persson/Scanpix

Dhabatus nolosha galmada ee bukaanka wadnaha

Goobaha caafimaadku tixgelin ma siiyaan ama hoos ayaa la iska dhigaa in laga hadlo nolosha galmada ee dadka bukaanka ah oo wadnaha ka xanuunsan ama laga beddeley.

Khubaro ka kala socota jaamacadda Linköping iyo jaamacado Maraykan ah ayaa hadda isku soo dubariday qoraal dhabbatus ah oo ku saabsan sidii loo qaabbili lahaa bukaanka wadnaha ka xanuunsan marka laga hadlayo arrimaha la xiriira galmada.

Matalan dhakhtarku waa in uu arrinta la soo qaadaa si aysan culeys ugu noqon qofka bukaanka ah, iyo in uu sameeyo qiimeyn u gaar ah qof walba iyadoo laga eegayo nooca xanuunka uu wadnaha ka qabo.

Ann Sannegård oo ah dhakhtar sare kuna takhasustay cudurada wadnaha oo ka hawlgasha Isbitaalka Danderyd waxay amminsan tahay in uu qoraalkaan dhabbatuska ahi wax badan fududeyn doono:

- Dad badan ayaa ka walaacsan in haddii ay galmo sameeyaan uu wadnuhu istaagayo. Aniguna waxaa aamiinsanahay in dhabbatus noocaan ahi uu naga caawini karto in aan hab habboon oo dabiici ah uga la hadalno dadka bukaanka ah arrimaha la xiriira galmada.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".