Sawirle: Sara Kinnberg / Sveriges Radio.

Baaritaanka HIV oo aan aad culeys la isaga saarin

Cudurka Hiv dhaqso looga ma ogaado Iswiidhen. Boqolkiiba 60 oo qura ayaa labadii sano oo ugu dambeeyey lagu caddeeyey in ay qabaan cudurkaas HIV, maadaama difaacoodii jirku isdhimay, ayna u baahnaayeen in goor hore lagu bilaabo daaweyn.

Waxaa sidaas lagu muujiyey daraasad uu soo saaray machadka Karolinska oo ay idaacadda SVT soo xigatay.

Dadka goor dambe laga ogaado in ay qabaan cudurka HIV waxaa ka mid ah dumarka ajnebiga ah.

Marar badan waxaa dhacday in aysan goobaha caafimaadku ugu deeqin dadka in ay ka baaraan HIV, in kastoo ay dadkaasi la il-daran yihiin xanuuno astaamo u noqon kara in uu qofku qabo HIV. Gobbaha caafimaadka waxaa laga sugayaa in ay ku wanaagsanaadaan sidii goor hore loo ogaan lahaa cudurkaas iyo dadka baaritaano lagu sameeyo, ayey yiraahdeen caalimiintani.

Waxaa la og yahay in haddii goor hore lagu bilaabo dadka buka la daaweeyo, ay yaraaneyso in ay aad u xanuunsadaan ama ay dadka kale qaadsiiyaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".