Siyaasi Sooshiyaal-dimoqraadi ah oo aflagaaddeeyey dareewal ajnebi ah

Siyaasi ka socda xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga qaybtiisa Landskrona ayaa maxkamad la horkeenay iyadoo lagu soo eedeeyey in uu dareewal bas wada ugu yeeray ”madax-madow yahow wasakh ahi”. Siyaasigani wuxuu golaha maamulka degmada soo fadhiyey waqti aad u dheer.

Siyaasigaani waa uu qirtay eedeyntaan loo soo jeediyey laakiin wuxuu ku xiray in dareewalkuna qirto in uu sharaftiisa meel uga dhacay. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Helsingborgs Dagblad.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".