Wasiirka Caymiska Bulshada Ulf Kristersson (M). Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix

Isbeddelada lacagaha hawlgabka

Isbeddelada ku yimaada lacagaha hawlgabka oo laga helo dakhliyadii qofka soo galay iyo hawlgabka dulsaarka ah ayaa aad u waaweyn. Arrintaan waxaa hadda in arrintaan wax laga beddelo guddi qaabbilsan kormeerka lacagaha hawlgabka xilliga dayrta. Wasiirka caymiska bulshada Ulf Kristersson ayaa arrintaan ka yiri:

- Fekerka laga leeyahay arrintaan waxa weeye in isbeddelka lacagaha hawlgabku uu la socdo isbeddelka ku dhaca dhaqaalaha dalka guud ahaan, iyo in aysan lacagahaasi isu beddelin hab aan dhaqaalaha suurtagal k ahayn. In dhaqaaluhu guud ahaan iyo gaar ahaan lacagaha hawlgabku si xooggan isu beddelaan aysan ahayn wax horey loo filayey.

Waxaa soo dhacday in dhaqaalaha lacagaha hawlgabku ay sannadna kor u kacaan sannadka kalena hoos u dhacaan. Taas waxaa sabab u ah in inta uu le’ekaanayo dhaqaalaha lacagaha hawlgabku ay ku xiran tahay waxyaalo kala duwaan oo ay ka mid yihiin mushaharada iyo sicirada suuqa.

Waxaa habkaan lagu beddeli karaa xisaabin waqti dheer sida saddex ama shan sano si la isugu dheellitiro isbeddeladaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".