Sarah Sjöström oo ka qaybgeleysa tartanka dabaasha ee Barcelona 2013. Sawirle: Maja Suslin/Scanpix.

Sarah Sjöström oo fiinaalka u gudubtay tartankii dabaasha

Gabadha dabaalhayanka ee iswiidhishka ah oo lagu magacaabo Sarah Sjöström ayaa tartankii dabaasha 100 mitir oo ay Barcelona uga qaybgeleysey u gudubtey tartanka fiinaalka. Waxayna ku gaartay waqtiga 52.87 ilbiriqsi oo rekoodh cusub oo iswiidhish ah.

Weriyaha ka faalloota isboortiga ee idaacadda Radiosporten Anna-Karin Kammerling ayaa tiri iyadoo ku faraxsan guusha Sarah Sjöström:

- Runtii waxay ahayd dabaal aad loola dhacay, waxayna samaysey sidii aan ka dooneyney in aan ka aragno.

Sidoo kale waxaa farxad ka muujiyey tababareheeda Carl Jenner:

- Marar badan ayey iga soo yaabisay. Mar kale ayeyna ku celisay wacdaraheedii. Uama haysan in ay ka hoos mari karto waqti 53 ilbiriqsi.

Dhanka kale Sarah Sjöström ayaa sheegtay in ay ku qanacsan tahay guusha ay gaartay:

- Waxay ahayd dabaal xawli xoog ah lagu dabaalanayey, aad ayaana uga helayey. Aad ayaana kartidayda ugu kalsoonaa.

Gabadha kale oo iswiidhishka oo lagu magacaabo Michelle Coleman ayaa kaalinta lixaad ka gashay tartankii seemifiinaalka iyadoo keentay waqtiga 54.62 ilbiriqsi. Horraantii tartanka waxay ku jirtey kaalinta saddexaad, laakiin waxaa ku guuleysatey tartankii gabadha Maraykanka ah Missy Franklin.

- Aad ayaan uga xumaaday. Iskuma qanacsani oo ma gaarin guushii aan doonayey, ayey Michelle Coleman u sheegtay idaacadda telefishanka SVT.

Isha: Radiosporten/SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".