Sawirle: Frida Olsson / Sveriges Radio

Cudurada galmada ku faafa oo aan weli la xakamayn

 

Sannad walba waxay dowladdu ku bixisaa lacag gaareysa 145 milyan oo karoon ka hortagga cudurada galmada la isku qaadsiiyo. Sidaas oo ay tahay ayuu haddana cudurka kalaamiidiyadu uu heer isku mid taagnaa sanooyinkii ugu dambeeyey. Waxaana loo aaneynayaa in sababaha ugu wacan ay ka mid tahay iyadoo aan isticmaalka koondhoomka looga hadlin isbitaalada dalka.

 

Waxay ahayd in isbitaalada iyo goobaha lagu qaabbilo dadka dhallinta yar looga hadlo qofka iska baaraya cudurka kalaamiidiyada iyo sida la isaga difaaco, maadaama aysan in ka badan boqolkiiba konton dadka da’doodu u dhexeyso 21 ilaa 35 sano isticmaalin wax difaac ah marka ay qof la galmoonayaan.

Waxaan taas ugu wacan waqtiga oo badanaaba yar hadduuba jiro.

- Baaritaanka kalaamiidiyadu wuxuu nagu qaataa 30 daqiiqo. Dadka iska yimaadaa iyagoo aan waqti qabsana waxaa qaataan waqti intaas ka yar. Marka aan kala hadalno baaritaanada la qaadayo, ayaan ka qaadnaa dhacaano sheybaar loo diro. Kadibna waxay haysannaa waqti ka yar shan daqiiqo. Kolkaa waxaa dhici karta in waraysigii aan kala yeelan lahayd sababta uu qofkaasi u isticmaali waayey kondhoomka ay meesha ka baxdo. Sidaasna waxaa tiri Anna-Lena Näsström oo ah ummuliso ka hawlgasha isbitaalka RFSU ee Stockholm.

Dhanka kale Pelle Ullholm oo ka socda ururka RFSU ayaa sheegay in uu dareensan yahay in waqtigu ciriiri ku yahay rugaha daryeelka caafimaadka. Wuxuu kaloo sheegay in ay muhiim tahay in laga hadlo isticmaalka kondhoomka iyadoo qofka lagu wacyi-gelinaayo faa’iidada isticmaalkiisa.

Sannad walba wuxuu machadka ka hortagga cudurada faafa ku bixiyaa lacag gaareysa 145 milyan sidii looga hortegi lahaa cudurada galmada ku faafa, gaar ahaan cudurka keena AIDS oo loo yaqaan HIV. Lacagtaasna waxaa lagu maalgeliyaa gobolada, ururada bulshada iyo koorsooyin iyo ololeyaal dadka lagu wacyi-gelinayo. Lacagtaas waxaa la soo bixinayey ilaa sannadkii 2006, kolkaas oo uu baarlamaanku dejiyey qorshe qaran oo lagu dagaalamayo cudurada la isqaadsiiyo.

Monica Ideström oo madax ka ah waaxda machadka ka hortagga cudurada faafa u qaabbilsan ka hortagga cudurka HIV iyo cudurada galmada ayaa sheegtay in aysan ku filnayn oo qura baaritaano la qaado ee waa in dadka iska baaraya cudurka kalaamiidiya fursad loo siiyo in ay ka hadlaan cudurkaas iyo sidii la isaga ilaalin lahaa:

- Anigu ma u malaynayo in ay waqti la’aan jirto. Waxaana jira habab dadka loo waraysto. Waxaase adag in shaqaalaha loo furo tababaro awood u siiya in ay dadka ku dhiirrigeliyaan isticmaalka kondhoomka. Waxaan qabaa in ay toban iyo shan iyo toban daqiiqo ku filan tahay in qofka lagu qanciyo.

Waxay kaloo Monica Ideström sheegtay in aysan dad badan u arag cudurka kalaamiidiya mid halis ee ay la tahay in uu yahay hargabka oo kale. Uma aragto in ay shaqaalaha caafimaadku qof walba la soo qaadaan isticmaalka kondhoomka maadaama ay dhici karto in ay jiraan dad aan dooneyn in ay ka hadlaan sababta ay kondhoomka u isticmaali waayeen.

Waxaa jira awood ballaaran iyo maal wax lagu horumariyo. Intaas kadibna waxay mas’uuliyaddu saaran tahay maamulka gobolada sidii ay u dabageli lahaayeen tayada iyo qaabka ay rugaha daryeelka caafimaadku dadka u qaabbilaan. Waana in mar walba laga fiirsadaa wixii soo qabsoomay iyo halka ay wax marayaan, ayey tiri Monica Ideström.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".