Cumar Suleymaan oo ka qaybgalaya sannadkii 2011 konjeertidii Perth International Arts Festival.

Fannaan Suuriyaan ah oo Iswiidhen fiise u diiddey

Fannaanka caanka ah ee Suuriya Cumar Suleymaan iyo kooxdiisa ayaa la filayey in ay galabta ka qaybgalaan xaflad muusig oo lagu qabanayo magaalada Stockholm, laakiin hadda waxaa la sheegay in uu baaqday kadib markii uu qunsulka Iswiidhen ku leedahay dalka Suuriya ay diidey in ay siiyo fiisihii dal-ku-galka.

Ururka xafladda qabanqaabinayey oo lagu magacaabo Luger ayaa sheegay in sababta loo diidey ay tahay in kooxda looga cabsi qabo in markii ay yimaadaan Iswiidhen ay isdhiibaan oo magangelyo codsadaan.

Cumar Suleymaan oo ka mid fannaaniinta caalamiga ah ayey dhacdaadani ku noqoneysaa markii ugu horreysey oo kooxdiisa loo diido fiiso ay ku galaan dal dunida ka mid ah.

Noklas Herrström oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha Luger ayaa isagoo ka hadlaaya fannaankaan yiri:

- Ninka aan ka hadleynno waa fannaan dunida caan ka ah, sannad walbana ku wareega dunida dacalladeeda. Iswiidhen horay ayuu u soo booqday. Markii ugu dambeysey oo aan jadwalkiisa eegayna waxaan ka helay in uu toban goor oo hore muusig ka tumay Iswiidhen. In hadda la yiraahdo cabsi weyn ayaa laga qabaa in uu isdhiibo oo magangelyo codsado, waxay iigu muuqataa aniga axmaqnimo aan geed loogu soo gabban. Waa fannaan ku nool in uu dunida ku wareego oo muusig ka tumo, Iswiidehnna horay ayuu soo booqday isagoo aan dhibaato kala kulmin. Wuxuu kaloo ku wareegay Maraykanka iyo Yurub oo dhan isagoo aan wax dhibaato ah kala kulmin.

Isha: Kulturnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".