Margareta Pålsson. Sawirle: Malin Rimfors/Sveriges Radio

Guddoomiye gobol oo handadaad lagu soo ashtakeeyey

Guddoomiyaha gobolka Skåne oo lagu magacaabo Margareta Pålsson ayaa lagu dacweeyey guddiga baarlamaanka u qaabbilsan kormeerka garsoorka iyadoo lagu soo eedeeyey in ay handadaad iyo hanjabaad kula kacday sarkaal guddomiye ka ah guddi degmo.

Waxay ahayd bishii la soo dhaafay kolkii ay e-mail u dirtay guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee degmada Åstorp oo ka dalabtay in uu wax ka qabto arrin la xiriirtay qof ay is yaqaaniin.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shåne ayaa hadda raalligelin ka bixisay e-mailkii ay dirtay, waxayna sheegtey in uu ahaa dhambaal gaar ah oo uusan xiriir la lahayn shaqada. Sida laga soo xigtey ilaha warbaahinta gobolka waxaa dacwadda soo gudbiyey qof rayid ah.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".