Sawirle: Mikael Eriksson/Sveriges Radio.

Dowladda oo dooneysa tirakoobka kirooyinka guryaha

Dowladda ayaa ku talajirta in ay diiwaan tirakoob ka sameyso kirooyinka ay dadka iswiidhishku ka bixiyaan guryaha ay deggan yihiin. Go’aankaan ah in hadda tirakoob lagu sameeyo kirada guryaha wuxuu dabajooga warbixin uu wargeyska Svenska Dagbladet xilligii qaboobaha ku soo bandhigay kirooyinka guryaha Iswiidhen.

Jawaabo wareysi lala yeeshay kumanaal ka mid ah akhristayaasha wargeyska waxaa lagu muujiyey in qofka deggan guri gacan labaad ah uu bixiyo kiro 55 goor ka badan kirada uu bixiyo qofka deggan guri gacan koowaad ah. Tirakoob laga helay shabakadda xayeysiiska ee Blocket waxaa ka muuqda in kirada guryaha gacan labaadka ah ee Stockholm ay saddexdii bilood ee sannadka ugu horreysey kordheen boqolkiiba 10.

Waxaa hadda loo xilsaaray Wakaaladda guryaha in ay ilaa Diseember soo diyaariso habkii daraasad loogu samayn lahaa kirada guryaha. Markaas kadib ayey wasaaradda arrimaha bulshadu go’aan ka gaari doontaa sannadka dambe sidii loo wajihi lahaa natiijada daraasadda. Wasiirka guryaha Stefan Attefall ayaa wargeyska SvD u sheegay in uusan meesha ka saareyn in ay natiijadaasi keeni karto in la soo dejiyo xeer xadeynaya kirooyinka.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".