Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Alexander Gagliano / Sveriges Radio

Hay’ado lagu dhaleeceeyey ka ganacsiga warbixinaha dadweynaha

Hay’adda arrimaha gaadiidka ayaa ka faa’iiddey in ku dhow 30 milyan oo karoon in ay warbixinaha dadka ka iibiso shirkadaha xayeesiiska, iyadoo aan wax ruqsad ah ka haysan dadka ay khuseyso ama aysan dadkaasi war ka hayn. Hadda, Oskar Öholm oo ka tirsan xisbiga Mooderaatka kana ah xubin guddiga baarlamaanka u qaabbilsan arrimaha madaniga ah, ayaa qaba in hay’adda kormeerka macluumaadka hay’adaha ay baaritaan ku sameeyaan ka ganacsiga ay hay’aduhu sameeyaan.

- Dadka badankood aad ayey uga argagaxaan arrintaan, waxayna doonayaan in hay’adaha dowladdu ay soo bandhigaan hawlahooda bulshada u furan, iyo bulshadu kalsooni ku qabi karto in warbixinaha laga ururiyo loo kaydiyo hab ammaan ah oo aan sidii la doono loo sii iibin iyadoo aan lagu wargelin. Waxaan u arkaa in ay habboonaan lahayn haddii ay hay’adda kormeerka macluumaadka hay’aduhu baaritaan ku samayso arrintaan oo ay mar walba dusha ka ilaaliso, ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Oskar Öholm.

Hay’adaha warbixinaha dadweynaha ka iibiya shirkadaha xayeesiiska waxaa ka mid ah Hay’adda arrimaha gaadiidka, Wakaaladda guryaha, Hay’adda canshuuraha iyo Hay’adda kaalmada ardayda, sida uu qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Sida ku qoran xeerka soo bandhigidda hawlaha hay’adaha, waxaa hay’adaha dowladda khasab ku ah in ay soo bandhigaan warbixinaha hawlaha ay qabtaan. Anna Hörnlund oo ah garyaqaan ka hawlgala Hay’adda kormeerka macluumaadka hay’adaha ayaa u sheegtay wargeyska Dagens Nyheter in ay tahay wax lala yaabo in hay’aduhu warbixinaha dadweynaha ka iibiyaan shirkadaha xayeesiiska.

Dhanka kale Kjell-Åke Sjödin oo hay’adaha arrimaha gaadiidka u qaabbilsan arrimaha diiwaangelinta ayaa sheegay in uusan u arag in ay wax qaldan tahay in la iibiyo warbixinaha dadweynaha.

- May, annagu sidaas uma aragno, waayo warbixino cid walba u furan. Intaas kadibna waxay dowladdu noo xilsaartay in aan iibin karno warbixinaha dadweynaha, ayuu Kjell-Åke Sjödin.

Haddii qofku doonayo in aan loo dirin wax xayeesiis ah wuxuu la xiriiri karaa hay’adda iibisey warbixinihiisa ama wuxuu isku qori karaa diiwaan loo sameeyey xannibaadda xayeesiiska. Laakiin Kjell-Åke Sjödin wuxuu qabaa in hay’addisu ay horay u caddeysey in ay iibiso warbixinaha dadweynah.

- Sidaas ayaan weligayo u haysanney. Laakiin hadda wixii ka dambeeya waa in aan ka fiirsanaa oo aan wax walba caddeynna haddii loo baahdo, ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Kjell-Åke Sjödin.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".