Sawirle: Maja Suslin/Scanpix.

Tirada dadka hafashada ku dhinta oo sannadkaan soo kordhay

Tirada dadka u dhintay kadib markii ku hafteen goobaha lagu dabaasho oo xilligaan kulaylaha soo kordhay marka la barbardhigo sannadkii hore. Sabtidii iyo axaddii oo qura waxaa ku dhintay lix qof, sida uu qoray SvD.

Ururka Badbaadada dabaashada wuxuu qabaa in ay tirada dadka ku dhinta hafashadu yaraan lahayd haddii dhammaan dadku sannad walba qaadan lahayeen shahaadada dabaasha. Intii lagu gudajirey bushii Luulyo waxaa qarqid ama hafasho ku dhintay maalintiiba hal qof oo siwiidhish ah. badankoodna waxay ahaayeen rag.

- Waxaa la isweyddiin karaa haddii la fahmo macluumaad aan fidinno, oo ah in taxadar la muujiyo oo aan laga badbadin qofka awooddiisa, iyo in la fahmo biyaha. Waxaa kaloo loo baahan in qof waliba uu qofka uu la nool yahay ka dalbado in uu u dabaasho hab ammaan ah oo taxadar leh, ayey tiri Karin Brand, xoghayaha Ururka Badbaadada dabaashada.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista