Muuqaalka kutaanta. Sawirle: Scanpix

Guryaha ardayda oo nadaafad xumo ka jirto

Waxaa hadda digniin soo jeediyey agaasimaha guud ee shirkadda guryaha ardayda ee Stiftelsen Stockholms studentbostäder (SSSB) in ay guryaha ardaydu halis ugu jiraan in nadaafadoodu xumaato ciriiriga loo wadadeggan yahay awgiis. Sidaasna waxaa qoray wargeyska DN.

Taasina waxay ka dambeysey natiijo lagu muujiyey in guryahaas ay harqisay kutaan ama dhiqle, taasina ay qayb yar ka tahay dhibaatada ka imaan karta, ayuu yiri Chris Österlund oo ah agaasimaha guud SSSB.

Shirkadda guryaha ardaydu waxay xaqiijisey in ay khasaare weyn ka soo socoto magaalada Stockholm. Waqtiga la sugo in guri arday laga helo shirkadda SSSB waxay qaadataa laba sano. Sidaas awgeed waxay ardaydu doorbidaan in ay qolol yar qaataan oo isla degaan.

- Marka ay ardaydu sidaas isugu wareegaan oo isu la degaan, waxaa ku fida kutaanta. Christer Österlund wuxuu sheegay in aysan weli fari ka qodneyn.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".