Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallinyaro bilowday in ay antibiyootiko ka iibsadaan Internet

La daabacay måndag 5 augusti 2013 kl 11.23
Sawirle: Josefin Patzauer/ Sveriges Radio

Dhallinyarada ku nool gobolka Skåne oo bilaabay in ay antibiyootiko ka iibsadaan Internet oo iyagu iska daaweeyaan cudurka. Waxay sidaas u sameynayaan iyagoo ka cabsiqaba in qofka ay xiriirka la leeyihiin u ogaado in ay qof kale la seexdeen ama la galmoodeen. Sidaasna waxaa soo weriyey Ekot. Shaqaalaha caafimaadku waxay ka digayaan in ay khatar weyn ka iman karto haddii uu qofku isku dayo in uu isagu isdaaweeyo.

Goobo badan oo Internet ku yaal waxaa looga sheekeystaa sidii qofku iskii isugu daaweyn lahaa. Taasna waxaa badanaaba sabab u ah in uusan dooneyn in qofka uu la socdo uu ogaado in uu gogoldhaaf sameeyey. Halkaas waxaa laga helaa talooyin ku saabsan meelaha laga iibsan karo daawada antibiyootikada.

Hay’adda gobolka Skåne u qaabbilsan ka hortagga cudurada la isqaadsiiyo oo lagu magacaabo Smittskydd Skåne ayaa soo bandhigtay arrintak u saabsan antibiyootikada laga iibsado Internet si looga xaajoodo, laakiin ilaa hadda lama oga sida ganacsigaani u baahsan yahay.

Kaaliyaha dhakhtarka cudurkada faafa Eva Gustafsson waxay ku talineysaa in laga waantoobo arrintaas waayo isdaaweyntaasi waa wax qaldan marka laga eego waxa daawadaasi ka sameysan tahay iyo qiyaasta loo baahan yahay in la qaato markii. Waxay kaloo sheegtay in laga yaabaa in loo sameeyey hab aan sax ahayn. Tan labaadna waxaa wanaagsan in qofku og yahay waxa uu iibsanayo, iyo in qofku halis u noqdo in bakteeriyada jirkiisa ku jirtaa ay noqoto mid u adkaysi badan antibiyootikada ama uu daawadaas ka helo cillado dheeraad ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".