Sawirle: Hasse Holmberg/ Scanpix

Macaash ka fekerku wuxuu khatar ku yahay ammaanka bukaanka

Farmashiyayaashu waxay u dhigmaan silsiladda isku xirta laamaha caafimaadka, waana in aysan kaga go’in. Shuruudaha lagu xiray farmashiyayaashu waxay khatar ku noqdeen ammaanka dadka bukaanka ah. Sidaas awgeed ayuu hadda ururka shaqaalaha farmashiyayaashu u doonayaa in la sameeyo isbeddel ah in lagu khasbo shirkadaha farmashiyayaashu u furan yihiin in ay mudnaanta koowaad siiyaan maaraynta warqadaha dhakhtarka iyo talo ka bixinta daawooyinka. Sidaasna waxaa bogga doodaha ee wargeyska DN ku qoray Carina Jansson iyo Gunilla Andersson oo kale ah guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka ururka shaqaalaha farmashiyayaasha oo lagu magacaabo Farmaciförbundet.

Ururku wuxuu farmashiyayaasha ka dalbaayaa in ay joogaan shaqaale ku filan si waqti loogu helo taageerooyinka iyo talooyinka dadka laga siinaayo daawooyinka iyo warqadaha dhakhtarka. Wuxuu kaloo dalbayaa in shaqaalaha loo furo aqoon-kororsiyo, in la mamnuuco in waqti lagu xiro wax ka qabadka warqadaha dhakhtarka, micnaha waqtiga uu qaadanaayo qof walba oo wata warqad dhakhtar. Wuxuu kaloo ururka ku talinayaa in la bilaabo ololayaal in dadka lagu dhiirrigeliyo in ay wax iibsadaan marka ay warqado dhakhtar la yimaadaan. Waana in la mamnuucaa in maqalada lagu qaabbilo warqadaha dhakhtarka lagu xayeesiiyo daawooyinka aan u baahnayn warqad dhakhtar.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".