Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Oday 88 sano jir ah oo dalka laga tarxiilayo

La daabacay måndag 5 augusti 2013 kl 16.05
Sawirle: Anders Wiklund/Scanpix.

 

Ninkaan la tarxiilayo waa oday indha-la’, dhegaha aan si wanaagsan wax uga maqal, wadnaha ka liita, cudurka macaanta qaba oo ah waayeel itaaldarran – dhowaanna buuxsaday 88 sano. Dhowaan ayuu helay go’aan loogu sheegay in uusan dalka joogi karin. Hay’adda Socdaalku waxay u aragtaa in la tarxiilo odaygaan waayeelka ah oo gabadhiisa kula nool degmada Segmon ee gobolka Värmland. Sidaasna waxaa soo werisey wakaaladda TT.

Waxaa barta Internet ee nwt.se laga soo xigtay in gabadhiisa oo ah ilmaha keli ah oo odaygaan dunida u jooga ay dooneyso in ay halkaank u xannaaneyso aabbaheed. Balse hay’adda socdaalku waxay u aragtaa in xiriirka ka dhexeeya gabadha iyo aabbaheed uusan ahayn mid adag. Gabadhani waxay Iswiidhen ku nooleyd muddo 20 sano ah, halka uu aabbaheed xilligaas ku noolaa dalka Shiinaha. Gabadhu waxay ku doodeysaa in uusan aabbaheed wax ehel ah ku lahayn Shiinaha iyo in la iibiyey gurigii uu halkaask u lahaa. Hadda waxay rafcaan u gudbisay maxkamadda rafcaanka ee arrimaha maamulka.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".