Sawirle: Bertil Enevåg Ericson/Scanpix.

Dad oo lacago uga soo noqonayaan canshuur dheeraad ah oo ay bixiyeen

Dhammaan dadkii soo gudbiyey caddaymaha qoraalka ah waxaa toddobaadkaan u soo noqon doona wixii canshuur dheeraad oo sannad-canshuureedkii hore laga qaaday. Xisaabinta canshuurahaasna horey ayaa loo xisaabiyey, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

Dadka ay khuseyso waxay tiradoodu gaareysaa 897 318 oo qof oo qaybsan doona lacag gaareysa 6,2 bilyan oo karoon.

Tani waxay noqoneysaa markii labaad oo ay Hay’adda canshuuruhu bixiso lacagihii ka soo noqday canshuurihii dheeraadka ahaa. Dadkii caddaymaha dakhliga ku soo diray Internet-ka waxaa lacagihii dheeraadka ahaa loo soo diray bishii Juun ee la soo dhaafay.

Laakiin wuxuu habkaan leeyahay dhinacyo mugdi ku jiro. Dhanka waxaa jira dadka gaaraya 912 590 oo qof oo toddobaadkaan loo soo dirayo warqado looga dalbayo in ay canshuur dheeraad ku ahayn ay dib u soo celiyaan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".