Sawirle: AP/Scanpix

Dad badan ma oga in dembi ka imaan karo daawo Internet laga iibsado

Boqolkiiba 20 dadka iswiidhishku waxay diyaar u yihiin in ay internet ka iibsadaan daawo warqad dhakhtar looga baahan yahay iyagoo aan la tashan dhakhtar. Sidaas waxaa lagu muujiyey baaritaan ay sameysey wakaaladda daawooyinka oo ay idaacadda Ekot oo xigatey.

Sidaas oo ay tahay ayeysan haddana dad badani ogeyn in ay dembi tahay haddii ay internet ka iibsadaan daawo aan dhakhtar qorin.

Maxaa qalad ka dhigay in daawo warqad dhakhtar u baahan laga iibsado Internet maadaama ay tahay hab dhaqso badan oo raqiis ah?

- Sidaas ayey noqoneysaa haddii aan baaritaano la qaadin, oo aan la la socon in daawadaasi aysan bakteeriyada ka dhigeyn mid u adkeysi badan, markaasna aan cudurkaas la siin daaweyn sax ah. Dhibaatada ka imaneysa ayaa ka badan waxtarka laga helaayo. Waxaase ka sii daran haddii ay daawadaasi cillado u keento qofka isticmaalaya, ayuu yiri Hans Fredlund oo guddoomiyaha ururka ka hortagga isticmaalka antibiyootikada oo loo soo gaabiyo Strama (Samverkan mot antibiotikaanvändning).

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".