Sawirle: Scanpix, Sawír-qqabeyn: SR

Daawada dhiig-karka oo looga shaki qabo kansarka naasaha

Waxaa laga ogaadey in kansarka ku dhaca naasuhu uu ku badan yahay dumarka muddo dheer soo isticmaalayey daawada dhiig-karka. Sidaas waxaa soo werisey telefishanka SVT Nyheter.

Daraasad cusub oo ay caalimiin maraykan ahi ku sameeyeen dumar tiradoodu dhan tahay 2700 oo ay da’doodu u dhexeyso 55 iyo 74 sano, ayaa 1900 oo ka mid ah laga helay kansarka naasaha. Kansarka naasuhu wuxuu 2,4 goor ku badan yahay dumarka ugu yaraan toban sano soo qaadanayey daawada dhiig-karka oo kaalshiyam ku jiro.

Waxaanse weli la ogeyn sababta xiriirka ka dhexeeya kansarka naasaha iyo daawada dhiig-karka. Daawadaan dhiig-karka waxaa Iswiidhen ka isticmaala dumar gaaraya ugu yaraan 140000 oo qof.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".