Sawirle: Rebecca Göransson/Sveriges Radio Gävleborg

Dad maaskaro qaba oo jeebsiiba dadka dalxiisaya

Boliisku wuxuu u digayaa dadka dalxiiska ku tamashleynaya magaalada in ay iska ilaaliyaan dad magaalada dhexdeeda wareega oo tuugsada iyagoo qaba maaskaro ay isku qariyeen.

Aragga hore dadkaas uma muuqdaan kuwo dadka cabsi iyo shaki geliya, laakiin boliisku wuxuu tuhunsan yahay in ay dadka jeebabkooda baartaan oo kala baxaan boorsooyinka lacagta. Dadkaan maaskaraysan oo looga shaki qabo in ay lug ku lahaayeen jeebsiib badan oo dhacay ayaan ilaa hadda boliisku gacanta ku dhigin.

“Waxaan dadka kula talinayaa in ay ka taxadaraan in dadkaas ku soo dhowaadaan”, ayuu sarkaalka sare ee boliiska Stockholm Gunnar Thun u sheegay wargeyska Dagens Nyheter.

Dad badan oo magaalada ku dhex lugeeya ayaa la kulmay dad wejiga marsaday rinji cad oo aan badanaaba laga waayin goobaha ay ku badan yihiin dadka dalxiisaya, gaar ahaan xaafadda qadiimiga ah ee Gamla Stan iyo waddada Drottninggatan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".