Sawirle: Tullverket

Gacan-ku-dhigga amfetamin oo sannad gudihii ku labanlaabmay

Sannadkaan lixdii bilood oo ugu dambeysey waxay boliiska kastamku gacanta ku dhigeen 110 kiilo oo ah maandooriyaha nooca loo yaqaan amfetamin. Xilligaan xilligiisii ee sannadkii hore waxaa gacanta lagu dhigay 50 kiilo oo maandooriye ah, kii ka sii horreeyeyna 26 kiilo. Qiimaha maandooriyaha amfetamin oo ciidamada kastamku gacanta ku dhigeen sannadkaan waxaa lagu qiyaasay in uu suuqa ka joogo 27,5 milyan oo karoon.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay kororka amfetaminka la qabtay, laakiin waxaa loo maleynayaa in ay ku timid iyadoo hal mar wax badan la qabtay ama iyadoo la wanaajiyey wadashaqaynta la la leeyahay kastamyada dalalka Yurub. Waxaa kaloo laga yaabaa in maandooriyaha amfetamin oo dalka la soo geliyaa uu dhab ahaan aad u soo kordhay. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Dhanka kale waxaa soo yaraaday maandooriyayaasha heroin iyo kokain oo gacanta lagu dhigo.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".