Boliiskii Husby ku toogtey ninkii 69-jirka ahaa oo la siidaayey

Dacwaddii ku socotey ninkii boliiska ahaa oo gu’gii la soo dhaafay xaafadda Husby ku toogtey nin 69 sano jir ah ayaa hadda xeerilaaliyuhu hoos u dhigay ama baabi’iyey.

Xeerilaaliyaha guud Eva Finné waxay sheegtay in toogashadaas dhimashada keentay ay ahayd mid ku timid isdifaacid khasab ah.

Dhacdadaas ayaa marar badan lagu tilmaamay in uu yahay wixii dhaliyey qalalaasihii sannadkaan horraantiisii ka qarxay deggaano ka tirsan Stockholm.

Ninka 69 sano jirka ahi waxay isaga iyo afadiisu ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaal xaafadda Husby. Boliiska ayaa cabsi dareemay kolkii ay arkeen ninkaas oo middi gacanta ku sita oo walfinaya.

Kolkii uu ninkaas oo weli middii gacanta ku sita u soo dhaqaaqay xaggii boliiska ayuu boliisku xabbad dhulka ku ridey, kadibna madaxa ka toogtey ninkaas. Isla markiina boliis kale oo gadaal taagtaa ayaa xabbad ku ridey ninkii oo la beegsaday lugtiisa, laakiin waa uu la gafey.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista