Sawirle: Leif R Jansson / Scanpix

Ururweynaha danaha afrikaanka iswiidhishka ah oo dacweeyey xafladdii Pride

Ururweynaha danaha afrikaanka iswiidhishka ah oo afka iswiidhishka lagu yiraahdo Afrosvenskarnas riksförbund ayaa xafladdii Pride ee toddobaadkii hore lagu qabtay magaalada Stockholm ka gudbiyey ashtako ku saabsan in xafladdu ay ku kacday fal cadaawad ah oo ka dhan ah dad gaar ah oo bulshada ka mid ah. Ashtakadaanina waxay dabasocotaa kolkii nin cad weji rinji madow loo mariyey si loogu ekeysiiyo soomaali burcad-badeed ah.

Kadib doodihii ka dhashay xaraashkii addoonta ee Lund ardaydu ku qabatay iyo Lena Adehlson Liljeroth iyo doolshihii loo ekeysiiyey qof dumar ah oo madow, waxay ahayd in dadkii qabanqaabinayey xafladdii Pride ay ka digtoonaadaan isticmaalka weji-madoobeynta cunsuriyadda ku dhisay oo loo yaqaan Blackface.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".