Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Koobiga Marakbkii qaraqmay ee Titanic oo la dhisayo

La daabacay onsdag 7 augusti 2013 kl 15.40
''Markabka Titanic oo lagu wado in uu soo nooleeyo xusuustii kii ku degay badda Atlatic''
(6:19 min)
Markabka dhismihiisa socda ee Titanic II oo sidan u ekaan doona. Sawirka: Blue Star Line

Koobi markabkii weynaa ee masiibada ku dhacday ee Titanic kaasi oo ku degay bada Atlaantikada bishii Abriil ee sanadkii 1912 ayaa waxaa naqshada gudaha markabkaasi oo dhismihiisa socda  ku guuleystay shirkad laga leeyahay Iswiidhen oo la yiraahdo , Tillberg Design of Sweden.

Fekrada lagu dhisayo markabkan waxaa ka dambeeya ganacsade Australiyaan ah oo lagu magacaabo  Clive Palmer. Markabkan oo lagu dhisayo dalka Shiinaha ayaa loogu yeeri doonaa Titanic I I waxaana dhismahiisa la soo gabo gabeyn doonaa sanadka 2016-ka iyada oo safarkiisa ugu horreeya uu ka tegi doono bartii uu ka dhaqaaqay Titanic-gii hore ee ah dekada  Southampton ee dalka Ingiriiska isaga oo aadi doono magaaladda New York. Fredrik Johansson, oo ka mid ah milkiilayaasha Tillberg Design ahna naqshadeeya darajadiisa sarreeyso  ayaa sheegaya in howsha shirkadooda loo igmaday in ay dabcan tahay mid aan weyneen balse waxa uu ku tilaamay in ay tahay howshii ugu adkeed uguna dhibka badneed ee abid shirkadooda qabato waayo markabka waxuu u ekaan doonaa sida kii hore oo dhab ah ama asli ah

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".