Fannaanka Cumar Suleymaan oo loo oggolaaday in uu Iswiidhen soo galo. Sawirle: Robert MacPherson/AFP

Cumar Suleymaan oo fiisihii Iswiidhen lo oggolaaday

Fannaanka Cumar Suleymaan oo dalka Suuriya u dhashay ayaa loo oggolaaday fiise uu ku soo galo Iswiidhen si uu uga qaybgalo konjeertada muusigga ah oo lagu magacaabo Way out West oo lagu qaban doono magaalada Göteborg.

In fannaankaan Cumar Suleymaan loo oggolaaday fiisihii uu Iswiidhen ku soo geli lahaa si uu maanta berri ah uga qaybgalo Way Out West waxaa sheegay maareeyihiisa oo warqad u soo diray barnaamijka Kulturnytt. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa iyaduna xaqiijisay warkaan.

Fannaan Cumar Suleymaan wuxuu magaalada Istanbuul u raacay gaari laga soo jeexay masaafo dhan 1000 km si uu tago qunsulka Iswiidhen halkaask u leedahay.

Wuxuu sabtidii iyo axaddii la soo dhaafay ka tumi lahaa barnaamijkii lagu magacaabayey Stockholm Music&Arts, laakiin waxaa loo diidey fiisihii uu dalka ku geli lahaa. Toddoba maalmood kadib ayaa qunsulka Iswiidhen hadda isbeddeley oo u oggolaaday fiisihii dal-ku-galka ahaa. Fiidnimada khamiista soo socotana wuxuu muusig ka tumi doonaa magaalada Göteborg.

Isha: SR Kulturnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista