Madaxweyne Obama oo Iswedhen ku soo wajahan

Madaweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa joojiyey kulan u qorsheysanaa in uu la yeesho madaexweynaha Putin oo uu kalo hadli lahaa arinta la xiriirta Edward Snowden, sida ay qorayaan warbaahinta USA.

Go'aanka uu Obama kaga baaqanayo la kulanka Putin ayaa yimid kadib markii Rushka siiyey maqan-geliyo KMG ah Edward Snowden oo lagu eedeynayo in uu fashiley macluumad sir ahaa oo la xiriirey barnaamij ay hayadda amniga mareynkan dadka ku dabo-geli jireen. Sidoo kale go'aanka ayaa la xiriira walbahaar badan oo Mareykanka ka qabo dalka Rushka oo ay kamid-yahiin gantaalaha difaaca, arimaha xaquuqul insaanka iyo weliba Suuriya.

Obama ayaa wareysi uu siiyey telefishinka NBC maalinkii talaada aheyd ku sheegey in uu aad uga xunyahay in Mareykana siiyo magan-geliyo Snowden ayna taa marqaati u tahay in Rushka marar badan la soo baxo garaadkii dagaalkii qaboobaa.

Hada waxaa cadaatey in Obama halka uu booqan lahaa Rushka uu booqasho ku imaan doona dalka Iswedhen dhamaadka bisha september

Go'aanka Obama ayaa marqaati cad u ah in xiriirka asaga iyo Putin yahey mid aan wanaagsaneyn.

Xigashada: Associated Press

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".