Madaxweyne Barack Obama iyo Raysalwasaare Fredrik Reinfeldt. Sawirle: Ross D. Franklin/Michel Euler/Scanpix

Madaxweyne Obama oo Iswiidhen ku imanaya booqasho taariikhi ah

2:12 min

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho ku imanaaya Iswiidhen 4 iyo 5 Sebteember. Booqashadiisana waxaa lagu tillmaamay in ay ka turjumeyso xiriirka wanaagsan oo hadda ka dhexeeya labada dal, waa Maraykanka iyo Iswiidhen. Sidaas waxaa sheegay Jan Joel Andersson oo caalin ka ah Machadka siyaasadda dibedda, una xilsaaran arrimaha waqooyiga Ameerika.

- Markii dhinac walba laga eego waxaa la oran karaa in xiriirka labada dal uu sida uu hadda yahay weligiis ka wanaagsanayn. Booqashadaan ayaana caddayn u ah.

Wasiirka arrimaha dibedda oo farxadi wejigiisa ka muuqato ayaa shalay booqashada Obama ku tilmaamay mid taariikhda geli doonta.

- Sannadkii 2001 waxaa shirkii Midowga Yurub oo lagu qabtay Göteborg ka soo qaybgalay madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush, laakiin waxay booqasho la xiriirtay shirka Midowga Yurub. Marka tan hadda uu Obama ku imanayo waxay noqoneysaa noocihii ugu horreeyey ee booqasho madaxweyne Maraykan ah oo qaabkaas leh oo soo marta taariikhda Iswiidhen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista