Sawirle: Scanpix

Hab cusub oo lagu goor hore lagu ogaan karo cudurka borrelia

Waxaa adag in asteeyo cudurka borrelia oo shilinta laga qaado. Sidaas awgeed ayey hadda khubaro badan oo iswiidhish ahi u wajahaan dalka dibeddiisa ay u soo dersaan baaritaano kala duwan oo dalalka kale lagu sameeyo.

Hay’adda gargaarka bulshada ayaa hadda machadka ka hortagga cudurada faafa u xilsaartay in daraasad ku sameeyo hababkaas lagu baaro bakteeriyada borrelia. Balse dhakhaatiirta iswiidhishku siyaabo kala duwan ayey u arkaan kalsoonida lagu qabi karo baaritaanada lagu sameeyo dalalka kale. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Sannad walba wuxuu cudurka borrelia ku dhacaa dad tiradoodu gaareyso 10 000 oo qof oo iswiidhish ah. Infakshanka cudurka borreliana badanaaba waa mid fudud, laakiin mararka qaarkood wuxuu keeni karaa dhibaatooyin iyo cillado waaweyn.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista