Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaanka jirdilka dadka magangelya-doonka ah oo aan xoog la saarin

La daabacay torsdag 8 augusti 2013 kl 12.39

In ku dhow boqolkiiba soddon dadka magangelya-doonka ah oo Iswiidhen yimaada waxaa lagu qiyaasay in ay dhaawacyo ka soo gaaray jirdil loogu geystey dalalkoodii. Balse aqoon-darradi shaqaalaha caafimaadka oo dadkaas baara oo aad u weyn ayaa dhibaato laga la kulmaa sidii goor hore loogu ogaan lahaa dhaawacyadaas. Taasina waa dhibaato khatar ah. Sidaas waxaa tiri Eva Hall oo ka socota Laanqayrta Cas.

Sannadkii hore ayey hay’adda socdaalku dhabba-tus dadka magangelya-doonka ah u fududeynaya in loo diro khubaro soo baarta in dhaawacyadaasi ay yihiin kuwo ku yimid jirdil iyo in kale. Laakiin Eva Hall waxay sheegtay khubaro la’aantu ay tahay dhibaato aad u weyn.

Waxaa la qiyaasayaa in ay sannadkaan Iswiidhen yimaadaan dad magangelya-doon ah oo tiradoodu gaareyso 54000 oo qof. Sida la saadaalinayana haddii ay dhabowdo 18000 oo dadkaas ka mid ahi waxay yihiin kuwo jirdil loogu geystey dalalkoodii.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".