Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix

Baabuur la mamnuucay oo sannad boliisku isticmaalayey

Muddo hadda sannad laga joogo ayaa baabuur boliis oo laga leeyahay magaalada Söderhamn laga mamnuucay in wado, laakiin inta oo dhan baabuurkaasi waa shaqaynayey oo boliiska ayaa isticmaalayey.

Madaxa gaadiidka boliiska ee gobolka Gävleborg Kenth Sääf ayaa sheegay in ay muuqato in nidaamkii mamnuuca la jebiyey ayna tahay wax laga xumaado.

Hadda waxaa baaritaan lagu sameynayaa dhammaan gaadiidka boliiska ee magaalada Söderhamn. Baabuurkaan horay looga mamnuucay in la wadana waxaa khamiista la geynayaa xarunta baabuurta lagu baaro. Arrintaan waxaa hadda baaritaan ku samaynaya dad khubaro ah oo boliiska ka baxsan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".