Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin xagjir ah oo laga siidaayey dembi isku day dil ah

Sawirle: Andreas Hedfors/Sveriges Radio.

Nin xagjir 19 sano jir ah oo maxkamad lagu taagay in uu middi geliyey nin kale oo taabacsan xagjirnimada midigta ayaa maxkamad degmo ka siideysey dembiga ah in uu galay isku day dil. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda P4 Sörmland.

Dacwaddaan ninkaan lagu soo oogey waxay ahayd midda keli ah oo ka dhalatay baaritaano lagu sameeyey falal weeraro ah oo ay shakhsiyaad xagjir bidix ahi ka geysteen gobolada Mälardalen. Waxaa la tuhunsan yahay in ilaa xilligii qaboobaha ay dadkaas xagjirka ahi 30 illa 40 weerar u geysteen dad ay siyaasadda iskaga soo horjeedaan.

Ninkaan 19 sani jirka waxaa dhanka kale lagu xukumay in uu geystey waxyeelooyin hanti. Sidaas awgeedna waxay maxkamaddu ku xukuntay ganaax iyo in uu bixiyo magdhaw dhan 4000 oo karoon.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".