Isbinaash. Sawirle: P. Kevin Morley/Scanpix

Liiska tobanka nooc oo qudaarta ugu nuxurka badan

Baaritaan lagu sameeyey nuxurka ama waxtarka qudaarta kala duwan, waxaa kaalinta koowaad ka galay isbinaashka iyo qaar ka mid ah caleemaha cagaaran. Waxaana ku xiga digirta nooca cagaaran iyo barokoliga. Taasina waxay xaqiijineysaa daraasooyinkii horay loogu sameeyey noocyada qudaarta iyo waxtarkooda, sida ay sheegtay Veronika Öhrvik oo caalin nafaqo-yaqaan ah.

Haddii la doonayo in la helo fiitamiin D badan, waa in kolkaas la cunaa noocyo ka mid ah dhirka likaha. 100 garaam oo dhirtaas ah waxaa ku jira fiitamiin D 2 ilaa 3 goor ka badan kan laga kan ku jira kalluunka oo yaqaan lakis ama af-iswiidhishka ku ah lax. Qudaarta xiddidada ah iyo dhirta lika ama boqoshaaga ah ayaa iyaguna ku jira kaalin hore marka laga eego nuxurka ku jira oo ay ka mid yihiin faybarka, fiitamiinada, macdanta iyo gaasas jirka aadanaha waxtar u leh.

Isha: TT

Xaqiiqada nuxurka qudaarta

Afartanka nooc oo qudaarta ah oo Iswiidhen laga cuno, kuwa hoos ku qoran ayaa ugu nuxur badan:

  1. Noocyada caleemaha cagaaran
  2. Digirta cagaaran
  3. Noocyada aatarka ama fuulka cagaaran
  4. Barokoli
  5. Afokaataha
  6. Digirta cad
  7. Basal cagaarta
  8. Kabashka
  9. Noocyada salbukada oo midabo badan
  10. Noocyo digirta u eg (kikärtor ama chickpeas)

Isha: Livsmedelsverket

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".