Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Warbixin lagu sheegay in cuduradu ay keenaan galmada oo xumaata

La daabacay fredag 9 augusti 2013 kl 10.35
Sawirle: Hanna Weiderud/Sveriges Radio.

Dad badan oo bukaan ah ayaa dhibaatooyin kala kulma markii ay galmoonayaan, taas  oo lala xiriiro cudurada ay qabaan ama daawooyinka ay qaataan. Balse guud ahaan waxaa aad u yar macluumaadka laga hayo. Waxaase la sheegay in ay xaaladdu ugu daran tahay dumarka.

Boel Bahr oo ah dhakhtar haweenka, kana hawlgasha goob daryeel caafimaad oo ku taal Stockholm, ayaa qabta in ay habboon tahay in dhibaatadaan si gaar ah loo eego.

- Sanooyin badan ayaan ku soo shaqeynayey dhakhtar haween. Aad ayaana uga xumahay dhibaatada waayo waxaa ii muuqda in ay xaaladdu sii xumaaneyso. Waxaanna sabab uga dhigayaa in aan kharash ku filan lagu maalgelin goobaha caafimaadka.

Idaacadda Ekot ayaa soo werisey in dhibaatooyinkaani la xiriiraan cuduro ay ka mid yihiin kansarka naasaha, kansarka barostaatada iyo cudurada wadnaha iyo daawooyinka loo qaato.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".