Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Hawlwadeeno xafiiska shaqada oo lagu eedeeyey laaluush-qaadasho

Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah hawlwadeenada xafiiska shaqada laga cayriyo shaqada oo lagu ashtakeeyo boliiska kadib markii uu soo baxay tuhun looga qabo in ay laaluush ka qaateen shirkadda waxbarashada ee Lernia.

Waxay ahayd bilowgii bishii Juun markii ay ka qaybgaleen shir ay isku suuqgeyneyso shirkadda Lernia oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca waxbarashada oo ay isla shaqeeyaan xafiiska shaqada.

Intii hawlwadeenadaasi shirka joogeen ayaa midkiiba la siiyey 999 karoon oo caddaan ah looga abaalmarinayo in ay shirka ka soo qaybgaleen. Iyaguna waa ay qaateen lacagtaas.

Xafiiska shaqada ayaa arrintaan u arka in ay wax aad u xun. Dhanka kale guddi ku xilsaaran kormeerka mas’uuliyadda hawlwadeenada ayaa arrintaan u arkay in ay tahay mid dhaawac gaarsiineysa kalsoonida loo hayo hay’adaha dowladda. Xafiiska shaqadu wuxuu hadda doonayaa in uu hawlwadeenadaan shaqada ka cayriyo, kuna dacweeyo boliiska in ay qaateen laaluush.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista