Calanka Qowmiyadda Saamerka. Sawirle: Jonas Ekströmer/Scanpix.

Dowladda oo aan ku dhaqmin qaraarka Qaramada Midoobey ee dadka asiiliga ah

Dowladda ayaan mas’uuliyad iska saarin ayaaha dadka saamerka ah oo ku nool waqooyiga Iswiidhen, marka laga eego xagga isbeddelada ku yimaada cimilada. Sidaasna waxaa bogga doodaha ee DN ku qoray wadaadka sare ee diinta masiixiga Anders Wejryd.

Iswiidhen waxay ka mid ahayd 143kii dal oo u codeeyey sannadkii 2007 qaraarkii Qaramada Midoobey oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo dadka asiiliga ah. Sidaas ay tahay ayeysan weli kala caddeyn sida ay dowladda Iswiidhen u dooneyso in u hirgeliso qodoobada qaraarkaas, ayuu Anders Wejryd oo qaba in ay Iswiidhen in ay wax badan ka barato dalka Noorwey marka laga hadlayo dadka asiiliga ah.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".