Nin madaxa looga jiro danbiyo dagaalna ku xukuman oo fakadey

Nin danbiyo gacan ka hadal ku xukuman oo madaxa looga jiro ayaa maanta gelinkii hore ka fakadey halkii lagu xanaaneynayey oo ahayd xarun ku taala bartamaha Katrineholm. Sidaas waxaa wariyey Svt nyheter.

Ninkan oo ku jirey fasax gaaban oo ayna la socdeen xanaaneyaal ayaa si lamo filan ah ku fikadey.

Qiimeyn uu sameeyey dhaqtarka ninka ayuu ku sheegey in ninkan uu qatar yahay hadii uu cabo alkohol.

Da'diisa waxaa lagu sheegey in ay tahay 54 sanno jir waxaana uu ku xukunaa danbiyo badan oo ay kamid yahiin gacan ka hadal iyo xoog isticmaalid.

Markuu fikanayey dharka uu qabay waxey ahaayeen surweelka jimicsiga jaakad harag ka sameynsan oo brun ah.

Isha: Svt nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".