Foto: Stig-Åke Jönsson/Scanpix

Peter Mangs oo dil qirtey

Ninkii toogashada badan ka geystey Magaalada Malmö Peter Mangs ayaa hada qirtey labo kamid ah dilal lagu xumkumey in uu geystey. Mangs ayaa u sheegey wargeyska Sydsvenskan in uu asaga ahaa ruuxii diley Trez West Person, oo horey loogu dhex-toogtey gaari ay ku jirtey magaalada Malmö oktober 2009.

Wargeyska ayaa ku booqdey Mangs xabsiga uu ku jiro ee Kumla halkaas oo uu ku qaadanayo xukuno xabsi daa’in ah.  Intii ay socotey maxkamadeynta ka dhanka aheyd Mangs waxuu gabi ahaanba inkirsanaa in uu geystey dilalkan lagu eedeynayey. Laakiin hada oo xukunada lagu ridey ay dhaqan galeen ayuu Peter Mangs qirtey labo kamid ah dilalka lagu eedeenayey in uu geystey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".