Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkad bixisa macluumaadka haweenka naftooda la cabsanaya

La daabacay måndag 12 augusti 2013 kl 10.29

Boga internetka shirkada Ratsits ayaa ruux kasta ka raadin karaa xarumaha qarsoodidaha ah ee la dejiyo haweenka naftooda la cabsanaya dalkan swedhen.

Sidoo kale isla bogaas ayaa laga heli karaan macluumaadka dadywoga lagu hayo xabsiyada iyo xaruumaha kale ee dowliga ah, sida ay werisey laanta p4 Östergötland.

Madaxa booliiska Norrköping Anne Asp ayaa ku tilmaamantey arintaan mid wax weyn u dhimeysa haweenka ayagu baahida u qabo meelo amaan ah oo sir ah.

Sidoo kale Agela Beausang oo ah gudoomiyaha ururka mideya xarumaha amniga ee la dejiyo haweenka cabsanaya ayaa aad uga careysan in shirkadan boogeda qof kasta ka heli karo macluumadka xarumaha haweenka.

- Waa arin xad gub ku ah karaamada ruuxa. Bogan ruux kasta ayaa geli kara oo arki kara halka haweyney ku nooshahey iyo xaruumaha amniga ah ee haweenka la dejiyo. Ma ahan in macluumadkan laga helo shirkado diiwanked, ayey tiri.

Isha: P4 Östergötland

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".