Foto: Bertil Enevåg Ericson/Scanpix

Löfven oo raba nidaamka sadex termin ah in laga hirgeliyo jamacadaha dalka

Hogaamiyaha xisbiga Socialdemokratiga Stefan Löfven ayaa raba in la hirgeliyo nidaam sadex termin ah jamacadaha dalka, sidoo kalena waxuu rabaa in la kordhiyo kursooyinka xilliga sommarka.

Sida uu sheegey Löfven nidamkan waxuu ka micno yahay in ardyeda barnaamijyada waxbarashada ku dhameeyan waqti gaaban si ay horey uga galaan suuqa shaqada. Hindisahan ayaa qayb ka ah hindiha deyrta ee xisbiga mocaaradka ah ee Socialdemokratiga.

Hadalkan waxuu ka soo yeerey Löfven mar uu booqanayey kongreska ururka dhallinyarada ee xisbigiisa SSU.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".