Rakaabkii tareenka xayiraad awgeed bannaanka tuban. Sawirle: Christian Höijer/Sveriges Radio

Roobaab carqaladeeyey gaadiidka tareenada

Roobaab xooggan oo shalay gelinkii dambe ka da’ay degmada Söderhamn iyo agagaarkeeda ayaa sababay in tareen ay saarnaayeen 200 oo qof uu xayirmo buur dhan waqooyiga kaga toosan Söderhamn hoosteeda. Kadib markii godkii biyihii roobku ka soo buuxsadeen ay khasab ku SJ in ay istaajiyaan tareenkaas.

Dhawr saacadood ayey suurtagashay in tareenkii halkaas ka dhaqaaqo oo dib ugu noqdo dhanka magaalada Söderhamn.

Weli la oga goorta tareenku bilaabi doono safarkii uu isaga dhex shaqeyn jirey Söderhamn iyo Hudiksvall. Haddana waxaa ka dhex shaqeeya basas lagu beddelay tareenka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".