Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Alkoholka oo sababta dhirmir beel

Cilmi baaris Iswedhen lagu sameeyey ayaa lagu ogaadey in ay raad isku leeyahiin alkoholada iyo dhirmir beelka qofka ku dhaca goor hore inta uusan gaarin 60 sanno jir.  Ruuxa da'idiisa ka yartahay 20 ee badsada cabista alkoholada ayey cilmi bariista muujineysa in uu qatar weyn ugu jiro dhimir beel goor hore ku dhaca.

Waayadii hore waxaa la aaminsanaa in dhirmir beelka uu yahay keliya cudur layska dhaxlo balse hada cilmi baarayaasha ayaa xaqiiqsadey in isticmaalka alkoholada badan ay sababto dhirmir beel.

Daraasadan ay cilmi baarayaasha Umeå Universitet sameeyeen ayey ugu kuur galeen 500 000 oo rag ah laga soo bilaabo markii ay bilaabeen carbiska ciidamada illa iyo intii daraasada laga soo gabo gabeeyey.  40 sanno kabacdii ku dhawaad 500 oo kamid ah ragas ayaa waxaa ku dhacay dhirmir beel intii aysan gaarin 60 sanno.

Natiijada darasada ayaa muujineysa in rag badan ka badabaadi karaan dhirmir beel hadii ay yareeyaan cabista alkoholada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".